Waaxda Digital Media

0

Waaxda Qoraallada, Websiteyada iyo Baraha Bulshada (Digital Media Department) Waa waax ku cusub Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska.

Waaxda waxaa la abuuray bishii May 2015, iyadoo maanka lagu hayo muhimmadda ay leedahay warbaahinta casriga ah sida websiteyada iyo baraha bulshada oo leh saameyn aan ka dhicin kana deg deg badan warbaahinta caadiga ah (Traditional Media).

Websiteyada iyo Warbaahinta Bulshadu waa ilo wareedyo deg deg ah oo ka dhaqso badan warbaahinta caadiga ah, xilligan oo ay sii horumareyso Teknolojiyada casriga ah, helista macluumaadkuna tahay mid ka dhaqso badan sidii ay ahayd sanado yar ka hor.

Waaxda Qoraallada, Websiteyada iyo Baraha Bulshadu waxa ay u xil saaran tahay horumarinta Websiteyada Warbaahinta Qaranka & Wasaaradda Warfaafinta iyo baraha bulsho ee raacsan sida Facebook, Twitter, Youtube iwm.

Websiteyada Wasaaradda ee waaxdu u xil saaran tahay waxa ay kala yihiin.

Website Twitter Facebook Youtube
www.moi.gov.so www.twitter.com/moisomalia www.facebook.com/moisomalia
www.sntvnews.com www.twitter.com/sntvnews1 www.facebook.com/sntvnews www.youtube.com/sntvnews
www.radiomuqdisho.net www.twitter.com/radiomuqdisho www.Facebook.com/radio.mogadishu
www.sonna.so www.twitter.com/sonnalive www.facebook.com/sonnalive
www.dalkajournal.com www.twitter.com/dalkajournal www.facebook.com/dalkajournal

Leave A Reply

Your email address will not be published.