Khudbaddii uu ka jeediyey Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xarunta Jamciyadda Qaruumaha Ka Dhaxaysa.

0

Waxaa Turjumay : Maxamed Cali Juxaa

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Mudane Madaxweyne

Mudane Xoghayaha Jamciyadda Qaruumaha Ka Dhexeysa.

Iyo Dhammaan ergada sharafta leh.

Dhammaantiina sharaf ayaad leedihiin

Mudanayaal iyo marwooyin, sharaf ayey ii tahay inaan fadhigan 72aad eejamciyadda qaruumaa ka dhexeysa aaan kasoo jeediyo khudbad. Waxaan dhambaal iyo salaan diiran idinka sidaa madaxwynaheena Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhammaan hayadaha dowladda oo dhan iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ii oggolaada inaan marka hore u hambalyeeyo madaxweynaha 72aad ee Golaha Guud ee Jamciyadda Quruumaha ka dhexeysa si uu usii amba qaado kaalintan iyo inuu ku jiheeyo jamacan guul iyo najaax. Sannadkanna uu fadhigan ku soo aaday tahay Maalinta Caalamiga ah ee loo dabbaaldego Nabadda.

Shalay waxaan isha ku haynay Maalinta caalamiga ah ee Nabadda, waa maallintii loogu magu magacdaray wadajirka iyo taddaamunka ee dadkii guryahooda sida qasabka ah looga soo saaray, iyo kuwa guryahooda uga soo tagay si ay helaan nolol wanaagsan. Farriinta uu gudbinayo golahan guud sannadkan ayaa waxay tahay inuu ka hadlo nabadda iyo sidii lagu heli nolol karaamo leh ee dhulkan aan ku nool nahay. In diiradda la saaro in la wada siman yahay ayaa waxay keenaysaa in loo dhaqaaqo dhanka nabadda, nolol karaama leh, ixtiraam, badbaado, iyo karaamo, kuwanina waa waxyaabaha loogu baahi badan yahay caalamka oo ay u baahan yihiin boqolaal milyan oo dad ah oo caalamkan ku nool. Laga soo bilaabo Suuriya ilaa Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, laga soo bilaabo Rohingya dadka Reer Myanmar ilaa dadka Libya . tirada isku dhacyada oo sii dheeranaya meelahaasi waxay ay gaareen heerkii ugu sarreeyey oo aan la aqbali karin. Soomaaliya waxay ahayd mid la daalaa dhacaysay sannado badan colaado, macaluul, iyo faqri oo in badan oo dadkeeda ah ku barakaceen gudaha, halka qaar kalana ay safaro khatara badan ay dibadda ku aadeen, sidaa darteed anagana arrintaasi si aad ah ayaan u og nahay . Waxaana daruuri noqotay in albaabada loo furo dadkii ka hayaamay dhibataatadii ku habsatay sida anaga oo kale oo markaasi baadi goob ugu jira in ay helaan meel ay ku badbaadaan kana heli karaan nolol sharaf leh. Marka fursaddan waxaan uga faa’iideysanayaa inaan u mahad celiyo dhammaan intii soo dhoweysay dadyowga u yimid iyaaga oo haddana ay marayaan wakhti adag ilaa haddana soo dhoweeya iyaga oo si ruuxi ah ugu dheggen midnimada iyaga wadaag iyo daryeelba siiya.

Mudane madaxweyne

Soomaaliya kor ayey u socotaa waxaana go’aansanay inaan hore u sii socono. Ujeedkeenu waxa uu yahay in si wanaagsan uga qeyb qaadano horumarka gobolkeena, qaaraddeena iyo caalamkeena. Iyada oo ay jiraan caqabado waaweyn haddana caqadahaasi waxaan la wadaagnaa oo kala mid nahay inta kale, waxaan kor u qaadnay arrimaha amniga, waxaana dib gundhignay nidaamka iyo kala dambaynta, waxaana la tacaamulnay isbeddelada siyaasadeed bulsho iyo dhaqaale, horusockuna ilaa haatan waa uu socdaa, waayo ummada Soomaaliyeed waxaa u beryey waa cusub, laabtana ku qabatay. Saaxiibadeena howl wadaagga nagala dhexeysana waxay nagula jiraan safarka aan ku tiigsanayno nabad iyo barwaaqo. Waxaana sii wadaynaa inaan qaadno tallaabooyin lagu xoojinay horumarka oo ay ka mid tahay dakhli abuurka, si kasta oo ay jiraan caqabado aad u khatar badan oo ka baxsan awoodda dowladda. Deymaha isbiirsaday oo saameyn aad u weyn ku yeelanaysa inaan hor istaagto furfurnaanta nidaamka maaliyadda, soo jiidashada maalgashiga dibadda iyo helidda fursado oo nagu adkaanaysa inaan sameyno dadaalo dib u hagaajin iyo midda xigta oo ah dib u soo noolaynta dhaqaalaheena. Waxaan bilownay in aan la shaqeyno hayado caalami ah oo maaliyadeed oo nagala shaqeeya howlahan anaga oo u marayna golahan oo raadinayno taageeradiina.

Mudane Madaxweyne

Argagixisada waxa ay noqotay mid ka mid ah waxyaabaha caqabadaha daran nagu haya middaasi oo ah dareen aan ka wada siman nahay caalamka, waxaana meesha ka saari kartaa aafadan anaga oo midnimo muujina, si wadar ah iyo joogta ahba. Waxaana habboon inaynaan la harin wixii dadaal ah oo looga hortagayo kobaca ururada aragaxisada caalamiga ah iyo saameynta fulineeed ay leeyihiin ururadan oo ka mid ah Daacish iyo Al-Qaacidda kuwaasi oo aan og nahay in ay yihiin kuwa ugu saameynta badan maxali ahaan. Waxaa la wadaa dadaalo tallaabooyin looga qaadayo ururadan iyaga oo lagu sameeyey fargelin militeri oo iyaga ka dhan ah iyada oo la laba jibaaray weerarada lagu qaado.

Soomaaliya gudaheeda waxaan qaadnay tallaabooyin aad u waaweyn oo aan ku daciifinayno Awoodda Al-Shabaab. Inta aan arrintan ka bixin waxaan jeclaan lahaa in aan halkaan uga mahadceliyo Amisom nafhurnimada ay sameeyeen iyaga oo nala daba taagan taageero aan kala joogsi lahayn, kalsoonida ay noo muujiyeen isgarabtaagga ay nala wadaageen oo ku aaddan dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab. Si loo xaqiijiyo joogtaynta guulahaasi la gaaray ayaa waxaan diiradda saarnay in aan dhisno awoodda militeri ee ciidankeena amniga qaranka oo aan xoojino, hayeeshee awoodda ciidankeena waxa wiiqaya ayaa waxa uu yahay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya oo si aad ah loo xaddiday hubkii soo geli lahaa Soomaaliya oo ay dowladdu keensan lahayd. Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay sii wada doontaa la shaqeynta Golaha Ammaanka iyo  inta khusaysa oo nagala shaqeysa sidii loo qaadi lahaa cunaqabataynta hubka ee saaran Dowladda Soomaaliya.

Faqriga, waxbarasha yaridda iy fursadaha nolosha oo yar darteed ayaa waxay ka qeyb qaateen inay sii kororto rabshadaha ku salaysan xagjirnimada guud ahaan caalamka. Rajada dhallinta oo yaraatay ayaa keentay in ay ku dhiiradaan in ay ku biiraan shabakadaha abaabulan e dembiyada gaysta sida ururada argagixisada. Dhallintan ayaa waxay qabaan baahi deg deg ah si waxbarasho loogu carbiyo, ama la dhiso xirfadahooda, fursadaha nolosha dhallinyaradana loo arko in ay muhiim tahay. In la taabageliyo waxyaabahan istiraatiijiga ku salaysan ee la dagaalanka argagixisada waa howl aad u baaxad weyn oo u baahan in la helo hannaan faham qoto dheer ku dhisan iyo qarash lagu hawl galo. Waxaana si joogta ah uga dalbanaynaa saaxiibada Soomaaliya in ay naga caawiyaan howshan aadka dhib badan muhiimkana ah oo ballanqaadkiisana la sameeyey.

Mudane Madaxweyne

Suuragal maaha inaan ka hadalno dhulkan aan ku nool nahay oo anaga oo isku tilmaamin  waxyaabaha waajibaadka ah si looga yeelo dunidan meel aan ku noolaan karno iyo meel ay ku noolaan karaan jiilka naga dambeeya . soomaaliya waa mid ka mid ah waddamada halakeeyey masiibooyin dabiici iyo kuwa dadka sameeyey, kuwaasi oo si toos ah u sababay dhibaatooyin bii’adeed Roobku gabaabsi ayuu noqday middaasi oo sababtay in uu fashilmo mirihii ka so go’I jiray  beerihii la tacban jiray iyo xoolihii in ay le’daan, middaasi oo markii dambe keentay in ay dhacaan abaaro iyo macaluul. Wakhtigan haatan la joogana soomaaliya xaaladda bani aadamnimo ee Soomaaliya ayaa malaayiin soomaali ah ayaa waxa ay weli la daalaa dhacayaan abaartii ku dhufatay, iyada oo weli u gooddinaysa in ay keento macaluul hor leh siina socota.

Qorshaheena horumarinta qaranka ayaa waxa si waadax iyo waaqici ah u qeexayaa in uu jebinayo warreeggan dhibka badan. Si kasta oo ay ahaataba Soomaaliya iyo waddama kaleba oo badan ayaa waxaa soo gaaray dhammaanka isbeddelka cimilada middaasi oo ka yeeshay in ay awoodi waayeen in ay helaan ilaha ay u baahan yihin si loo daweeyo mushkiladahan soo kobcaya oo arrintan ku saabsan. Waxaan ku boorinaynaa dowladaha xubinta ka ah golahan in ay ihtimaam badan siiyaanaa heshiiskii Paris ee Isbeddelka Cimilada, midkaasi oo qodobadiisa ay ka mid yihiin in hoos loo dhigo waxyaabaha keenaya isbeddelka cimilada. Sidaasi si la mid ah waddamada soo koraya sida anaga oo kale waxaan u baahan nahay maalgashi muddo dheer soconaya oo ka mid ah horumarinta kaabayaasha dhaqaaqlaha, ilaalinta biyaha, horumarinta cuntada, waxsoosaarka xoolaha nool, iyo abuuridda fursooyin dhanka nolosha ah.

Mudane Madaxweyne

Waxaan doonaynaa inaan meesha aan nahay ka fiicnaano oo aan gaarno  inaan ka qeyb qaadano horumarka caalamka iyo hannaanada gargaarka gaar ahaan waddamada jilicsan.anaga waxaan u baahan nahay inaan dib u eegid ku sameyno wakhtigan aan ku jirno qaab dhismeedkii hore oo aan qaadano tallaabooyin dhiiranaan oo ku jirto si aan kor  u qaadno haykalada ay wax ku dhisan yihiin. Heshiikii cusbaa ee Hiigsiga Cusub oo u dhexeeyey waddamada jilicsan oo 2011kii lagu qabtay Magaalada Busan Koonfurta Kuuriya dhab ahaantii waxa uu ahaa tallaabo wanaagsan oo dhankaasi loo qaaday. Soomaaliyana si buuxda ayey u soo dhoweysay heshiiskan, iyada oo middaasi ay jirto ayaa hiigsigii cusbaa ee dowladaha jilicsan ayaa waxa uu u baahan yahay in hore loo sii ambaqaado. Heshiikaasi ayaa waxa uu dhahayaa mabaadii’da ku salaysan isla xisaabtan isdhaafsiga kaasi oo isku xiraya qaababka ay ku dhisan yihiin waddamadaasi kaasina waa waxa saxda ah ay yihiin waddamada jilicsan sida anaga oo kale. Badanaa waxaa la sameeyaa ballanqaad haddana mar dambe waxaa dhacda inaan la fulin ballanqaadkaasi, mana aha in waddamada jilicsan in sidaa loola dhaqmo middaasina maaha waxay isku hallayn karaan waddamadaasi, waxaa la ballanqaadayaa in dib loo dhisayo waddamada jilicsan haddana waxaa dhacay middaa cagsigeeda, saaxiibada u qaabilsan arrimaha horumarinta badanaa waxaa lagala kulmaa niyadjab, iyada oo haddana waxba laga helaynin ayey ku eedeynaya dowladaha jilicsan oo dhahaya waxaa jirta daahfuraan daciif ah, malaha hayadihii isla xisaabtanka qaabilsanaa waddamada jilicsan.

Middan waa wax laga welwelo oo sharci ah, anaga haddii aan nahay waddamada jilicsan waxaan u baaahanahay inaan qabano wax wanaagsan anaga oo la dagaalamayna musuqmaasuqa oo joojinayna hantida micnadarada ku baxaysa. Soomaaliya waxay qaadatay tallaabooyin dhiiranaan ah oo lagula dagaalamayo musuqmaasuqa. Golaha wasiiradeena ayaa waxa la soo marsiiyey oo la oggolaaday sharciga la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaana la sameeyey hannaano lagu tiigsanayo dowlad wanaagga iyo isla xisaabtanka, haddana shacigaasi waxa uu soo maray baarlamaanka. Hoggaanka waddankayga waxa ay gaareen inaysan u dulqaadan doonin arrimaha musuqmaasuqa.

 

Arinta khusaysa maaliyada waa in aan helnaa maaliyad meel saaran oo ku baxaysa howlgalada ay fuliyaan ciidamada nabad ilaalinta soomaalliya oo aan UNka ahayn, arrintan ayaa si dhab ah oo gaar ah u khusaysaa Ciidanka AMISOMta ka hawlgasha Soomaaliya. In ka badan tobankii sano ee ugu dambeeyey waxay ku tallaabsadeen guulo la taaban karo, howlgaladooda way  sii wadaan iyaga haddana qarashaadka ku baxaya sannad walbana aan meel saarnayn. Waxaan aaminsan nahay in maalgelinta nabad ilaalinta ay tahay maalgelin qiime leh oo dhanka nabad iyo dowlad dhisidda. Faa’iidada ka soo xerootay maalgelintan ayaa waxaan ku aragnay soomaaliya. Waxaaana saaxiibadeena daneeya arrimaheena ka dhowraynaa in arrintan ay uga soo jawaabaan isbuucyada iyo bilaha soo socda.

Mudane Madaxweyne, ergada muhiimka ah iyo madaxda sharafta leh.

Qodobka ugu muhiimsan ee nabadda iyo dowlad dhisidda ayaa waxa ay tahay sida uu waddan kasta ula dhaqmayo dadka tabarta daran iyo dadka aan codka lahayn. Dumarka waxay door muhiim ah ka qaadanayaan go’aamada muhiimka ah ee la qaadanayo iyo maalgashiga bulshada dhexdeeda anaga oo haddana marayna caqabado badan. Soomaaliya waxa qaadday tallaabooyin muhiim ah oo arrintan ku saabsan. Intii lagu guda jiray doorashadii 2016kii , tirada dumarka ku jiray baarlamaanka ayaa waxay ahaayeeh 14, haddana waxay gaareen 24% maadaama uu hadafkeenu ahaa 30%. arrintan lama gaarin dhowrsano ka hor.

Lix bil ka hor markii aan dhisayey golahayga wasiirada, waxaan magacaabay lix dumar ah oo ka tirsan golahayga wasiirada, waxayna ahaayeen dadkii ugu muhiimsanaa oo faylashoodana ugu wanaagsanaa marka loo eego qarankeena, waxaana ka mid ah wasiiradda ganacsiga iyo warshadaha, caafimaadka, dhallinyarada iyo sportiga, haweenka iyo arrimaha xuaquuqul insaanka . soomaaliya haweenku waxay ciyaaraan kaalin aad muhiim u ah intii lagu jiray wakhtiyada ugu dhibka ee dalka, intaasi waxaa u sii dheer iyada oo hadddana ah hooyo iyo xaas, waxay ka qeyb qaataan dhaqaalaha, kuwa baddanna waxay yihiin qaxooti iyo kuwa muhaajiriin ah iyaga oo haddana kaalin mug leh ka qaadanaya caawinaadda qoysaskooda iyaga oo waddamada ay joogaan ay u soo diraan qoysaskooda Soomaaliya jooga lacago.

Sidaasi si la mid ah dhallinyaradu iyaga waxa ay kaalin weyn ay ka cayaaraan nabadda iyo dowlad dhisidda. Tira dhallinyarada ee ee ku jirta baarlamaanka aad ayey u korortay, sidoo kale golahayga wasiirada waxaan u magacaabay dhallinyaro, oo uu ka mid ahaa Cabbaas Siraaji oo markii dambe la dilay Bishii May ee sannadkan kaasi aad looga xumaaday. Waxa uu noqday rajadii dhallinyarada Soomaalida. Waxa uuna ku soo koray xerada qaxootiga ugu weyn Dalka Kenya. Si aad ah ayuu u soo shaqeeyey, waxbuu soo bartay waxa uuna u soo shaqeeyey dhowr hayadood oo ka tirsan kuwa UNka, waxaana u magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, wxa uu jiray 31 sano in kasta oo uusan wax badan na dhex joogin. Magacaabiddiisa ayaa waxa aad ugu riyaaqay dhallinyaro kumanaan ah oo waddanka gudihiisa ku sugan. Waxa uu dhallintaasi u muujiyey in nolosha xeryaha qaxootiga si kasta oo ay liidato taasi manaheedu ahayn dhammaadka rajadiisa.

Madaxda iyo ergada sharfta leh

Mid ka mid sharciyada UNka waxaa ka mid ah xuquuqda aadanaha. Har iyo habeen ayaan u shaqeynaa si aan u hubino xurmaynta xuquuqda aadanaha ee dadka oo dhan. Unkidda hayadahan xuquuqda aadanaha sida Guddiga xuquuqda aadahanaha qaranka, kaasi oo shaqadiisu tahay ilaalinta iyo kor u qaadidda xuquuqda aadanaha, middaana waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday jihada toosan. Sharciyo muhiim ah oo ku saabsan xuquuqda aadanaha sida sida ugu fudud lagu cadeynayo in ay jirto dembiyada kufsiga, helidda agabka lagula dagaalamayo kuwa ka baxsada ciqaabta dembiyada ay galeen. Xitaa haddii ay arintaasi ku lug leedahay caadaadkeena. Si aysan sabab ugu noqon inuu dembiilaha uga baxsan ciqaabta, dowladdayduna waxay go’aansatay in ay hesho wadiiqooyin ay u marayso si ay isku wafijiso xalka ku dhisan dhaqanka iyo nidaamkeena caddaaladda oo la wada aqbalsan yahay oo ixtiraamaya xuquuqda aadanaha iyo dadkeeda.

Mudane Madaxweyne

Qaramada Midoobay waxay tahay hayadda ugu muhiimsan caalamka kuna kulmaan waddamada caalamka si loo horumariyo loona xoojiyo cilaaqaadka ka dhexeeya laba waddan iyo waddama kala duwan, waaana ubucda mabaadii’da UNka ee dowladaha si midba midka kale u ixtiraamo madaxbanaanidda siyaasadeed iyo waddan iyo nabadgeliyada gobolka. Waana mabda’ ay tahay in la taageero lana sii wado goor walba, gaar ahaan marka laga hadlayo waddan jilicsan, sida Soomaaliya

Mudane Madaxweyne

Waxaan jeclaan lahaa in aan kaga faa’iideysto fursaddan in aan codkayga ku biiriyo dib u habaynta lagu sameynayo Qaramada Midoobay, ururkan sannooyin badan ayaa waxa uu ka soo shaqeynayay nabadda iyo xasiloonida, si weyn ayaan waxaan u aaminsanahay in xogayaha guud qorshayaasha dib u habayn uu wado uu noqon doono mid hubaashii ku hoggaamiyo in ururkan uu noqdo hayad leh ka jawaabid iyo shaqa badan. Haddii aan nahay waddan ka faa’iidey nidaamka UNka sidoo kale waxaan aragnay in kor loo qaadi karo tayada iyo waxqabadka hayadda.

Haddaba waxaan jeclaan lahaa inaan soo gabagabeeyo anaga oo mar kale is xusuusinayno inaan laba jibaarno dadaaladeedna si aan diirada u saarno dadka dhulkan ku nool si ay u heli lahaayeen nabad iyo nolol karaama leh, middaasi oo lagu gaari karo in aaan si wadar ah isha ugu hayno waxa ka dhacaya caalamka, waayo waxa geeskan ka dhacaya geeska kale ee caalamka ahna waa saamaynayaa.

Waad mahadsan tihiin, dhammaantiinana Alle ha idiin barakeeyo.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.