TAARIIKHDA WAAXDA QORAALKA IYO WARGEYSKA

0

                                TAARIIKHDA WAAXDA QORAALKA.

Waaxda Qoraalka ee Wasaaradda Warfaafinta, waxay ka mid ahayd, Waaxyihii lagu abuuray Wasaaradda Warfaafinta markii aan Xornimada qaadanay 1-dii Julay 1960-kii.

Waaxda Qoraalku waxay soo martay dhowr marxaladood oo kala duwan oo kala ah:-

  • Marxaladdii kowaad, Waa xilligii dowladihii hore 1960—1969-kii.

Waaxda Qoraalka ee Wasaaradda Warfaafinta, waxay soo saari jirtay dhowr Wargeys oo ku soo kala baxa Afafka Talyaaniga, Carabiga iyo Ingriiska oo wada maalinle ah iyo 3-biloodle mar soo baxa, kuna soo baxa Afka Ingriiska, waxayna kala ahaayeen:-

  • Sowtu Soomaal (Carabi)——————-Maalinle
  • Corriere della Soomaalia (Talyaani)—–Maalinle
  • Somali News (English)———————-Maalinle
  • Somali Review (English——————–3 billoodle

 

Marxaladdii Labaad ee Waaxda Qoraalka soo martay waa xilligii Dowladdii Milliteriga   (1969 ilaa 1990-kii).

Xilligan waxaa ballaartay Wargeysyadii Waaxdu soo saari jirtay, iyadoo ay ku soo begantay qoriddii farta Soomaaliga.

Xilligaan waxaa batay inta ka faa’iideysaneysa ama akhrisaneysa oo markii hore ku koobanaa inta baratay Afafka qalaad, oo aad u yar una kala qeybsanaa kooxo, koox kasta la fiicneyd Luqadda uu yaqaan, waxaase mideeyay markii la qoray Afka Soomaaliga oo noqday midka Shaqada Xafiisyada Dowladda loo adeegsado.

Laguna barto Dugsiyada Waxbarashada mid Dugsi hoose ilaa heer Jaamcadeed iyadoo aan laga tageyn Afafka Ajnabiga barashadooda.

Waaxda Qoraalka ee Wasaaradda Warfaafinta, waxay soo saari jirtay  tirade ugu badan ee Wargeys ee ay weligeed soo saarto, kuwaasoo isugu jiray maalinle, toddobaadle iyo bille, waxayna kala ahaayeen:-

  • Octobar Star           (English)——-Maalinle
  • Stella di Octobare ( Talyaani)—–Maalinle
  • Najma October       (Carabi)——-Maalinle
  • Down                        (English)——Toddobaadle
  • New Era                   (English)——-Bille
  • Nuova Era               (Talyaani)——Bille
  • Axdul Jihaad           (Carabi )——–Bille
  • Xiddigta Oktoobar (Soomaali)—- Maalinle
  • Horseed                   ( English)—— Bille

10-Waage Cusub            (Soomaali)—–Bille

Marxaladdii Saddexaad, waxay ku  begantay xilligii bur-burka, kaasoo saameeyay dhammaan shaqadii iyo waxqabadkii Waaxda, waayoo shaqadeeda waxaa laf-dhabar  u ahaa Madbacaddii Qaranka oo daabici jirtay qoraallada ay soo saarto ha ahaado iyadoo isticmaaleysa  xeelad kasta oo ay Dadka wax ku  gaarsiin karto ilaa Wasaaradda ka  kicineyso Madbacaddii Qaranka ee dhinaca Qoraalka.

Waaxda iyadoo la jaan-qaadeyso Teknooloojiyada casriga ee maanta waxay isticmaaleysaa inay Dadka wax ku gaarsiiso Wargeyska oo ah On-Line ama Webside, si ay uga faa’iideystaan Dadka awoodi kara iney helaan aaladda Inte-netka, waayo, waxaa la yiri, Salaadi Sidey kuu qabataa loo tukada.

Sidaa darteed, waxaa naga go’an in aanan u joojin shaqada madbacada la’aan haddii Alle idmo.

 

 

 

Lifaaq.

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Mas’uuliyiinta ugu dambeysay ee xilka Waaxda soo hayay.

  • Mudane Axmed Cumar As-hari-          Agaasimaha Waaxda
  • Mudane Axmed Cismaan Ibraahim-   Gud/Guddiga Wargeysyada
  • Mudane Cabdi Idiris Ducaale-              Madaxa Wargeyska Xiddigta Oktoobar
  • Mudane Maxamed Afrax –                   Madaxa Wargeyska Heegan
  • Mudane Maxamuud Muudeey Maaxi- Maktabadda.

 

Waxaa ka shaqeynayay Waaxda in ka badan 54 Shaqaale Joogto ah iyo Partime tiro badan oo Maqaallo soo diyaarin jiray, lagana iibsan jiray, kuwaasoo Arday iyo Shaqaale dowladeed ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.