MUUQAALKA WAKAALADDA FILIMMADA SOOMAALIYA (PROFILE)

0

 

 

MUUQAALKA WAKAALADDA FILIMMADA SOOMAALIYA (PROFILE)

Qeexid: Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed waxey ka mid tahay hay’adaha Dowliga ah ee u xilsaaran inay diyaariyaan Sawirrada iyo Muuqaalada Dowliga ah iyo faafreebidda Filimada dalka la keeno.
HORDHAC:

Wakaaladda Filimadu waxey ka horeysay Dowladdii kacaanka iyadoo shaqadeedu ku koobnaa caasimaddda dalka maadaama ay shaqaaluhu ay ku yaraayeen.
Dhalashadii Kacaanku waxey ka xayuubisay daahi kaga gudbanaa Wakaaladda jidka horumarka iyadoo u qortay Miisaaniyad ku filan oo u gaar ah sababtoo ah waxey dareentay baahida loo qabo wakaaladda Filimada iyo doorka ay ku yeelan karto baahinta wanaagga iyo horumarka ka socday dalka ee loo tabaabushaysanayay iyadoo dhalisay in laga dhigo Wakaaladda hay’ad gaar ah oo iskeed isku maamusha inkastoo maamulkeeda kor ahaan la xiriirto Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta ummaddda oo hadda loo badalay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wakaaladda maamulkeeda u gaar ahaansho waxaa lagu ansixiyay sharciga lambarkiisu ahaa 27 ee 25-kii Febraayo 1972-dii taaso qeexaysa xilka iyo waxyaabaha ay u qaban doonto dalka iyo dadkaba (Waajibaad).

Wakaaladdu waxey ku soo beegantay xilli ay shaqsiyaad ganacsato ah ay ku hawlanaayeen keenidda, qeybinta iyo baahinta Filimo aan u daneeneyn danta dalka, diinta iyo dadkaba iyadoo ay Wakaaladdu la wareegtay hawlaas oo dhan una sameysay waaxyo kala duwan oo ka shaqeeya hawlaha ay hayeen ganacsatadu iyo iyadoo sameysay Guddiga baadhista amase Faafreebka Filimada iyo Wargeysyada (Censorship board).

Waajibaadka Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed (Mission) waxaa ka mid ah:

Qaadista Sawirrada bilicda san ee Madaxda iyo Deegaannada dalka oo dhan
Keydinta Muuqaallada iyo Sawirrada Madaxda dalka iyo khudbadahooda
Sameynta iyo tabinta Filimmo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed
Diyaarinta documentariyo (documentary) ka turjumaya horumarka ay ku tallaabsaneyso dowladdu iyo kuwo lugu barayo jiilasha cusub gobollada dalka iyo taariikhda dalka
Sameynta muuqaallo goos goos ah oo wacyi galin ah
Faafreebidda iyo la socodka dhammaan filimmada loo baahiyo bulshada Soomaaliyeed
Soo bandhigidda fursadaha Mashaariic ee ka bannaan dalka
Isku xirka Dowladda iyo Bulshada
Soo xereyn dakhli iyadoo ka soo saaraysa filimmada iyo shatiyada ay u jareyso shirkadaha ku hawlan filim sameeynta amase documentery ee gaarka loo leeyahay
Inay soo bandhigto khayraadka dalka iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan dalka
Inay soo bandhigto dhaqanka suubban ee Bulshada Soomaaliyeed
Inay jiilasha cusub barto Waajibaadka uu Waddanku ku leeyahay iyo Wadaninimada
Inay soo bandhigto khayraadka dalka iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan dalka
Inay soo bandhigto dhaqanka suubban ee Bulshada Soomaaliyeed
Inay jiilasha cusub barto Waajibaadka uu Waddanku ku leeyahay iyo Wadaninimada

Hiigsiga Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed (VISION)
In la helo keyd wacan oo dhaxal gal ah oo isugu jira Muuqaal iyo Sawirro
In la soo saaro filimo iyo documantariyo (documentaries) tayo leh
In la hago lana faafriibo filimada ay soo saaraan shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee ka jira dalka iyo
Inay maamusho lana socotao iyo inay hagto hay’adaha ajaaniibta ee ku hawlan filim sameenta ee dalka u yimaad inay wax duubtaan.
Soo bandhig fursado Maalgashi iyo mashaariic looga faa’ideeyo dalka
Inay ka qeyb qaadato waxbaridda Bulshada iyo wacyi galinta
Inay wakaaladdu ka qeyb qaadato kabidda miisaaniyadda dalka maadaama ay mid tahay hay’adaha dowliga ee dakhliga soo xereeya
Inay u soo bandhigto Bulshada Muuqaalka saxda ah ee dowladnimo iyo wadaninimada
Inay jiheyso bulshada iyo inay maaweeliso Bulshada Soomaaliyeed meelkastoo ay ka joogaan caalamka
Inay ka qeyb qaadato horumarka dalka iyo dib u heshiisiinta

Leave A Reply

Your email address will not be published.