Waxqabadka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya 04-10 May 2018

0
WASAARADDA WARFAAFINTA, DHAQANKA IYO DALXIISKA
XAFIISKA WASIIRKA WARFAAFINTA
Waxqabadka Dowladda
Mogadishu-10/05/2018 Ku Simaha Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis
ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay 04-10-18 May 2018.

 

Munaasabad Lagu Dhiirri Gelinayay Ciidamada Soomaaliyeed Oo Ka Dhacday Muqdisho

04/05/2018- Munaasabadan  lagu dhiirri gelinayay shaqada ay Qaranka u hayaan  Sadaxda Ciidan ee Militeriga  Asluubta iyo Booliska ayaa lagu qabtay xaruunta Gaadiidka Ciidanka  Booliska Ee Magaalada Muqdisho. Waxaana ka qeyab  galay Ra,iisul wasaare ku xigeenka Dalka  gudoomiyaha Gobolka banaadir  Ahna Duqa muqdisho taliyayaasha Ciidamada Asluubta Militeriga iyo Booliska,  Wasiiro dhildhibaannada  Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka  Sarakiisha  Ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan iyo martisharaf.

 

Hayadda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Ayaa Daahfurtay Tababar Muhiim Ah Oo La Xiriira Arrimaha Socdaalka.

 

04/05/2018-Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa ka furmay tababar  ku saabsan mareeynta socdaallada la xariira arrimaha Bini’aadannimada, kaasi oo loo qabtay saraakiisha Hay’adda ee ka howl-gala xuduudaha Dalka , sida Garoomada, Badaha, iyo xudduudaha Dhulka Soomaaliya.Tababarkan oo ay bixinayeen khuburo loo soo xulay ayaa waxa daahfuray Agaasime ku xigeenka guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Axmed Xuseen Raage, wuxuuna Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya ayaa waxay xoogga saareysaa sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta sarakiisha hay’adda iyo sidii ay u heli lahayeen tababaro ku saabsan dhammaan howlaha ay qabato hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Dalka.

Dawladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub oo gaaray Heshiisyo muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre, oo ka warbixiyay safarkii Brussels iyo natiiijooyinkii kasoo baxay kulamadii uu la qaatay madaxdii kala duwaneyd iyo shirkii looga hadlayay amniga dalka. Waxuuna sheegay in ay wada galeen dhowr heshiis oo muhiim u ah dawladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Midawga Yurub ay kula heshiiyeen in ay ku kaalmeeyaan dawladda Soomaaliya €100 milyan oo Euro oo miisaaniyadda dalka lagu kabayo, taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda Bangiga dhexe ee Soomaaliya, sidoo kale midowga Yurub ayaa balan qaaday in €80 Milyan oo Yuuro ay ku bixin doonaan qorshaha aminga iyo kala guurka ciidmada dawladda.

Ra’Iisul Wasaarha Soomaaliya Oo Soo Xiray Shirkii Ganacsiga Ee Ka Socday Turkiga.

05/05/2018-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. Shirkaan uu soo xiray Ra’iisul wasaare Kheyre oo halkaasi ka socday ayaa ujeedada laga lahaa waxa ay aheyd in lagu dhiiri geliyo ganacsatada turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay. Shirkan oo daba socday shir hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa ganacsatada Soomaaliya uga qeyb gashay waxaa hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Maxamed Xayir Maareeye, ganacsatada Turkiga iyana waxaa hormuud u ahaa Mr. Deik oo Dalka Turkiga u qaabilsan hay’adaha xiriirka dhaqaalaha dibadda.

Munaasabad Lagu Dhiira Gelinayey Horumarada Ciyaaraha Kala Duwan Ee Dalka Oo Lagu Qabtay Muqdisho

 05/05/2018-Waxaa ka qeybgalay munaasabaddan lagu dhiirogelinayay horumarka dhanka ciyaaraha kala duwan oo ay Soomaaliya ku talaabsanayso mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomalaiya, oo ay ka mid yihiin Wasiiro, xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin katirsan xiriirka Olompikada Soomaaliyeed. Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigayay suugaan ka tarjumaysa ahmiyadda ay bulshada u leedahay horumar laga sameeyo dhanka Ciyaaraha, iyadoo dhamaan madaxdii halkaasi ka hadashey ay siweyn u dhiirogeliyeen bahda Sportska Soomaaliya, iyagoo tusaale ahaan u soo qaatay xulka qaranka 17 sano  jirada oo guulo taariikhi ah ka soo hooyay Ciyaarihii Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhigga Iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Tababar Usoo Xiray  Ciidan Ka Tirsan Ururka 60-Aad Ee Ilaalada Madaxtooyada.

05/05/2018-Wasiir ku-xugeenka Gaashaandhigga Soomaaliya C/llaahi Colaad  Rooble iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame (GOROD) ayaa maanta oo Sabti ah tababar usoo xiray ku dhowaad labo boqol oo askari oo ka mid ah Ciidanka Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda Qaranka. Xiritaanka tababarkan oo saddex bilood socday waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime ku xigeenka madaxtooyadda, Taliyaha ciidanka Badda, saraakiil ka socda xoogga dalka iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Deeq Gaarsiiyey Qaar Kamid Dadka Barakacayaasha Ah Ee Ku Nool Duleedka Caasimadda.

05/05/2018-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kormeer ku sameeyey qaar kamid ah xeryaha dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla duleedka Caasimadda, gaar ahaan degmada Kaxda, iyadoo la gaarsiiyey deeqo kala duwan. Duqa Muqdisho oo walaac ka muujiyey xaaladda nololeed ee dadka soo barakacay ayaa ka codsatay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah inay u soo gurmadaan barakacayaasha maadaama kuwo badan oo ayaga ka mid ah ay khatar ku jirto noloshooda waqtigan lagu jiro xili roobaadka.

Guddoomiye Yariisow”Waxaa Naga Go’An In Aan Xoojino Fursadaha Shaqo Abuurka Dhalinyarada

 06/05/2018-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Yarisow) ayaa daah furay wajiga labaad ee Barnaamijka Shaqaaleysiinta Dhalinyarada Gobolka isaga oo sheegay in maamulkiisu uu xoogga saari doono sidii loo dar-dar gelin lahaa barnaamijkan. Guddoomiyaha ayaa xusay in wajiga labaad ee dib loogu howl gelinayo kun dhallinyaro ah oo horey loo shaqaaleysiiyey muddaddo 6 bilood ah ay tilmaameyso mudnaanta uu siinayo Maamulka Gobolka Benaadir sidii loo joogteyn lahaa qorshayaasha ku saabsan shaqaaleysiinta dhalinyarada.

Ra’Iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Soo Dhoweyn Weyn u Sameeyey Hoggaanka Golaha Shacabka.

06/05/2018-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kusoo dhoweeyey Guddoonka Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Sheikh Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Mahad Cabdalla Cawad waxay ku balameen in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Ayaa Qabatay Kulan Muhiim Ahaa Oo Looga Arrinsanayey Qabya Qoraalka sharciga Doorashooyinka. .

 06/05/2018-Kulankaan oo inta uu soconayay  ayaa looga doodayay qabya qoraalka sharciga doorashooyinka qaranka waxa ka qeyb galaya sharci yaqaano, aqoonyahano iyo gudiga doorashooyinka, si ay uga tala bixiyaan nuuca doorasho ee Soomaaliya ku haboon marka la gaaro 2021 waxaana soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha Gudaha. Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya. Wasaaradda ayaa kulan ku soo bandhigtay daraasado ku saabsan nuuca doorasho ee ku haboon Soomaaliya waqtigaan.

R/Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Oo Booqday Deegaanada Gobolka Gedo Ee Fatahaadu Saameyeen.

07/05/2018-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa  socdaal shaqo oo u kuurgelid ah ku tagay gobalka Gedo gaar ahaan magaalooyinka Baar-dheere, Luuq iyo Doolow, si uu ugu kuur galo xaaladda deegaannada ay saameynta ku yeesheen fatahaaddii ka dhashay roobabka iyo wabiyada. Socdaalka  ra’iisal wasaare kuxigeenka waxaa ku wehliyay Wasiirro, Xildhibaano, Culimo, Haween, Dhalinyaro, iyo guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha waxa uuna ugu horeyn ka dagay magaalada Baar-dheere, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Bfs Oo Ansixiyay Xeerka Lagu Aas Aasay Baarlamaanada Midawga Africa.

 07/05/2018-Kulanka golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir goddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/ramaan ayaa lagu ansixiyey hab maamuuska xeerka lagu aas aasay Baarlamaanada Midawga Africa, kaas oo Soomaaliya ay xubin ka tahay. 141-Mudane ayaa ogolaaday xeerkan, waxaana ka aamusay 3-Xildhibaan, sidaas ayuuna ku meel maray, sida gudoonka golaha shacabku sheegeen. Xeerkan ayaa Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ansixiyeen, ka dib markii uu horgeeyey Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka, mudane Mahad Cabdalla Cawad.

R/Wasaaraha XFS Oo Bogaadiyay Ciidamo Loo Diyaariyay Dhiirigeliyeyna Xoojinta Amniga Caasimadda.

08/05/2018-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tagay xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayeen ciidanka Xasilinta amaanka Caasiamdda, waxaana booqashadiisa ku weheliyay Wasiir ku xigeenka Amniga, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyaha Gabalka Benaadir ahana Duqa Caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbxino ku saabsan amniga dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho ka dhagaystay taliyayaasha ciidanka,waxayna tilmaaeen in si wanaagsan loo wado howlaha amni ee magaalada, iyagoona cadeeyay in ay dejiyeen qorsheyaal lagula soconayo guud ahaan amniga gobolka, gaar ahaan bisha Ramadaan iyo dhaq-dhaqaaqayada cid-walba oo doonayso in ay carqaladayso amniga gobolka.

 Ra’Iisal Wasaaraha Dalka Ayaa Kulan Muhiim Ah La Qaatay Madaxa Golaha Amaanka u Qaabilsan Cuna-Qabataynta Hubka Soomaaliya, Natiija Wanaagsanna Ka Soo Baxay.

 08/05/2018-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socday Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Soomaalliya. Waxaana hoogaaminayay Safiirka Qarmada Midoobay u fadhiya dalka Kazakhstan ee Kiarat Umarow. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa gudiga u sharaxay xaaladda ay Soomaliya marayso iyo halka ay u socoto, isagoona u sheegay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay arrimaha Ciidanka iyo sida ay ugu diyaar gooroobeen in ay maamulan amaanka guud ee dalka. Sidoo kalena waxuu u soo jeediyay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, maadaama ay awood u yeelatay in ay la socoto dhaqdhaqaaqa hubkeeda.

Duqa Muqdisho Oo Daah-Furay Mashruuca Qiimeynta Bulaacadaha Caasimadda.

08/05/2018-Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Yarisow) ayaa Daahfuray Mashruuc lagu soo diyaarinayo daraasad iyo qiimeyn la xiriirta sidii Xal waara loogu heli lahaa arrimaha biyo fariisadka iyo bulaacadaha oo xilli roobaadka sameeya saameyn weyn. Maamulka Gobolka Benaadir oo in muddo ah ku howllanaa sidii xal waara loogu heli lahaa saameynta roobabka ayaa ka codsaday Bankiga Adduunka maalgelin buuxda oo magaalada Muqdisho looga hirgelinayo bullaacado biyaha roobka si toos ah badda ugu shubo iyo dayactirka waddooyinka.

Maamulka Degmada Hodan Oo Maanta Wasaaradda Waxbarashada Xfs Ku Wareejiyay Xarunta Ay Ku Laheyd Degmadaasi.

 09/05/2018-Xaruntan Wasaaradda Waxbrashada Hidaha iyo tacliinta sare oo ku taala xaafada taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaaadir ayaa waxaa deganaan jiray masuuliyiinta ugu sareysa Wasaaradda Waxbarshada, waxaana ku dhawaad 30 sano degenaa dad shacab ah. Maamulka degmada Hodan ayaa ku guuleystay in ka saaraan dadkii degeenaa halkaasi, iyadoo uu Guddoomiye Maxanmed Axmed Cantooba uu ku wareejiyay Wasaaraadda Waxbarshada Dalka iyadoo uu goobta joogay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Daahir Cismaan.

Guddiga Qaran Ee Gurmadka Fatahaadaha Oo Lacag Deeg Ah Ku Wareejiyay Maamulka Gedo

09/05/2018-Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) oo ah gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha ayaa waxa uu lacag gargaar ah oo dhan $100,000 ku wareejiyay gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, kadib kulan uu guddigu ku yeeshay Muqdisho. Ra’iisal wasaare ku xigeenku ayaa waxa uu yiri  “Waxa aan horay u ballan qaadnay in guddigu ugu deeqayo Gobalka Gedo lacag Boqol Kun oo doolar ah. Waxa aan hadda lacagtaas ku wareejinnay gudoomiyaha Gobalka Gedo oo aan ka dooneyno in uu si cadaalad ah u gaarsiiyo qoysasaka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha”,

Ra’Iisal Wasaaraha XFS Ayaa Kormeeray Xarunta Dhexe Ee Maamulka Hawada Dalka.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa  kormeeray xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee xaruntaasi ay u heyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Wasaiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa Ra’iisul wasaaraha kusoo dhaweeyay xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya oo ku taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusman.

 Wasaaadda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Dhammaad

Leave A Reply

Your email address will not be published.