Waxqabadka Dowladda 10-17 May 2018

0

WASAARADDA WARFAAFINTA, DHAQANKA IYO DALXIISKA

XAFIISKA WASIIRKA WARFAAFINTA

Waxqabadka Dowladda

Mogadishu-17/05/2018 Ku Simaha Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis

ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay 10-17 May 2018.

 

Madaxweynaha Ayaa Ka Qeybgalay Munaasabadda Caleema-Saarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Khudbad Muhiim Ahna Ka Jeediyey.

10/05/2018 –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xafladda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Goleyaasha dowladda looga baahan yahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo adkeeyo dowladnimada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaalka loogu jiro dowlad-dhisidda Soomaaliya ay ka dhalan karto kala aragti duwanaansho, balse loo baahan yahay in taasi lagaga gudbo isfaham, is-qancin iyo tanaasul maadaama dan guud laga wada shaqeynayo.

Wasaaradaha Awqafta Soomaaliya Iyo Kuwait Oo Heshiis Iskaashi Wada Saxiixday

 10/05/2018 –Wafdiga Wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya oo dhawaan booqasho rasmi ku  gaaray Dalka Kuwait , ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha ahna Siihayaha Wasaaradda Mudane Cabdixakiim Xasan Ibrahim, waxaana safarka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cumar Faaruq. Kadib kulan shaqo oo si qoto dheer loogu lafaguray iskaashiga Labada Wasaaradood ee dhinacyada manaahijta diiniga, dhismaha iyo dayactirka Masaajidda iyo Xarumaha diinta lagu barto, waxa ay labada Wasiir qalinka ku duugeen Heshiis Iskaashi oo Labada Wasaaradood u dhexeeya. Iskaashiga Soomaaliya iyo Kuwait, ayaa sii xoogeysanaya iyadoo tani ay daliil u tahay booqashooyinka isdaba jooga ee wafuud Soomaaliyeed oo heer Wasiir ah ay ku tageen Dalka kuwai.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Ayaa Dhagax Dhigay Xarunta Deb Demis Iyo Gurmadka Deg Dega Ah Ee Hodan.

 10/05/2018 – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dhagax-dhigay xarunta Dabdamiska iyo Gurmadka deg-degga ah oo laga hirgeliyay degmada Hodan, gaar ahaan Waaxda Xaawo Taako, xaruntan ayaa loogu adeegi doono degmooyinka isku xiran ee Qeybta Waliyow Cadde sida Hodan, Waaberi, Howl-Wadaag iyo Xamar Jajab. Eng. Yarisow oo dhagax-dhigga kadib hadlay ayaa tilmaamay in Hodan ay tahay degmadii ugu horeysay ee mashruucan laga fuliyay, waxuna xusay in furitaanka xarumaha gurmadku ay muhiim u yihiin bulshada deegaanka.

Ra’Iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska.

 11/05/2018 –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ammaanka iyo Masuuliyiin kale. R/wasaare kheyre, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa wuxuu la kulmay Saraakiil iyo Ciidamo Boliis ah oo heegan buuxa ugu jira sida ay ugu qayb qaadan lahaayeen adkaynta amniga caasimadda  Caasiamadda Muqdisho iyo guud ahaan Dalka oo dhan.

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqqon isweydaarsi ku saabsanaa is cafinta bulshada.

11/05/2018 – Aqoon isweydaarsi ku saabsan doorka Saxaafada ee is cafinta Bulshada ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay mgaalada Muqdisho. Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yoonis Iidaan ayaa maanta soo xiray Aqoon isweydaarsi ku saabsanaa doorka Saxaafadda ee is cafinta Bulshada, aqoon isweydaarsigan ayaa sidoo kale suxufiyiin, culimaa’udiin, Abwaano Soomaaliyeed iyo xubno kale.  Aqoon is weydaarsigan ayaa intii uu socday waxaa lagu gorfeeyay doorka ay ka qaadan karto Warbaahinta in dadka Soomaaliyeed ay is cafiyaan maadaama dalka muddo ku soo jiray dagaalo sokeeye.

Madaxweynaha JFS oo daah furay Barnaamijka Dariseynta Gobolka Banaadir.

12/05/2018Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Degmada Waaberi halkaas oo ay ka socotoy dardargelinta hawlaha dariseynta Gobolka Banaadir. Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa halkaasi ku daah furay Barnaamijka Dariseynta oo door muhiim ah ka qaadanaya xaqiijinta Nabad-galyada iyo daadejinta adeegyada Bulshada Gobolka Banaadir. Madaxweynaha Dalka ayaa kula dardaarmay shacabka Degmada Waaberi in ay Nabadda ilaashadaan, kalana shaqeeyaana laamaha amniga iyo maamulka Gobolka sidii loo sugi lahaa Amniga, loona baahin lahaa adeegyada bulshada ee ay shacabka degmadu doonayaan. Munaasabadda lagu daah furayay Barnaamijkan Dariseynta Waxaa joogay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Mas’uuliyiin kale.

 Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Oo Daahfuray Mashruuca Sugidda Amniga Caasimadda

12/05/2018 –Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa Daah-furay mashruuca Sugidda Amniga caasimada Muqdisho, sheegeyna in 90 cisho gudahood la doonayo in la helo amni waara. Shirka maanta lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeybgalay Duqa Muqdisho, Ahna Guddoomiyaha G/Benaadir, Ku xigeenada Amniga & Siyaasada iyo Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud, Taliyeyaasha ciidamada Qalabka Sida ee G/Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Guddiga Wacyigelinta Qaranka, iyo maamulada degmooyinka. Ujeedada kulanka ayaa ahaa in la dardargeliyo barnaamijka Sugidda Amniga Muqdisho oo la isla gartay in loo wajaho si Istraatejiyad ah oo wadashaqeyn buuxda ah ee Maamulka G/Banaadir, hay’adaha amniga, Dariseynta iyo shacabka ay kaalin buuxda ka wada qaadanayaan sugida amniga caasimada.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Akhrinta 1-Aad Marsiiyey Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.

12/05/2018 Kulanka guud ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa ay Xildhibaanada Akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha, waxaana Xildhibaanada u akhriyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Maadaamaa hindise Sharciyeedkan uu maray Akhrinta koowaad ayay qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka waxa ay su’aalo weydiiyeen wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo kulanka joogay.

Guddoomiyaha G/Banaadir Oo Soo Xiray Barnaamijka Jadwalka Iyo Qorshaha Dhismaha Goleyaasha Deegaanka.

 13/05/2018- Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa soo xiray barnaamijka Jadwalka iyo Qorshaha Dhismaha goleyaasha deegaanka Gobolka Benaadir iyo Kulan Howlleedka Maamullada Degmooyinka, Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka oo looga doodayay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo Maamullada Degmooyinka, Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yarisow ayaa sheegay in ay ka go’an tahay maamulkiisa in talada dib loogu celiyo dadka iyo in shacabka Caasimadda la gaarsiiyo nidaam ay ku soo xushaan hoggaankooda mustaqbalka dhow, iyadoo loo diyaar garoobayo doorashooyinka heerka qaran ee guud ahaan dalka ka dhici doona sanadka 2020.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahaana Ku Simaha Madaxweynaha Ayaa Si Rasmi Ah u Daah Furay Shirweynaha Qaran Ee Dastuurka.

 13/05/20Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahaana Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaiya  Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa daah furay Shirweynaha Qaran ee geeddi socodka Dib U eegista Dastuurka, oo soconayey ilaa 15-ka Bishan. Shirweynahaan oo ay soo agaasintay wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiyada Dastuurka ee labada Aqal ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra”iisu Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Dastuurka XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ,xubno matalaya Baarlamaanada Dowlad-goboleedyada dalka, Beesha Caalamka iyo inkabadan 300-boqol oo qof oo isaga kala yimid gudaha dalka iyo dibadiisa.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya Oo Xafiisyo Ka Furatay Goldogob Iyo Qardho.

14/05/2018- Magaalooyinka Qardho iyo Goldogob oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Bari ayaa laga furay Labo Xafiis oo laga bixinaayo Baasaboorrada iyo Kaararka Aqoonsiga.Maamullada Labada Degmo iyo madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha u qaabilsan Laanta Puntland ayaa si wada jir ah u furay Labadaan Xafiis oo loogu talagalay in loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qardho iyo Goldogob. Waa markii ugu horeysay tan iyo markii ay Soomaaliya xornimada qaadatatay Sanaddii1960-kii oo Xafiis laga bixiyo Baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga laga hirgeliyo Magaaloyinka Qardho iyo Goldogob. Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa in dhawaalaba wadday dedaallo adeegyada socdaalka lagu gaarsiinaya Gobollada Dalka , iyadoo Xafiisyo noocaan oo kale ah ka hirgelisay qaar ka mid ah Magaalooyinka Dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeegyada xagga socdaalka ah.

Guddoomiyaha Goblka Benaadir Ayaa Xarigga Ka Jaray Qeyb Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyey Isbitaalka Dayniile.

 14/05/2018- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng; C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Safiirka dowladda Norway ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir. Qeybtan cusub ayaa ah qeybta Soollar System-ka oo muhiim u ah howlaha Isbitaalka iyo adeegyada loo qabanayo Shacabka holwlaha caafimaad u yimmaadda halkaasi. Munaasabadda xarig jarka waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan; Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane ; Cabdullaahi Xaashi, iyo xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Tamarta ee Xukuumada federaalka Soomaaliya, Maamulka Degmada Deyniile iyo Maamulka Gacanta ku haya Isbitaalka guud ee Degmada Deyniile iyo Masuuliyiin kale.

Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Isboortiga Ayaa Qabat Munaasabadda 15ka May

 15/05/2018-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Dhalinyarada ee 15-ka May oo ku beegan 75 guuradi kasoo wareegatay Aasaaskii Ururkii xurnimo doonka Soomaaliyeed ee SYL oo loosoo agaasimey si ka duwan hab maamuus-yadi hore, waxaana lagu qabtay taalada u taagan halgamayaasha ee 15-kii dhalinyaro ee SYL. Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Munaasabadan waxaana goobjoog ahaa Wasiirka Dhalinyaradda Khadiijo Maxamed Diiriye, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobalka Benaadir, Saraakiil Ciidan, Qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Gobalka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shirweynaha Qaran Ee Dastuurka ayaa La Soo Xiray

 15/05/2018-Shirweynaha Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka oo ay ka soo qayb galeen qeybo kala duwan ee kala matatalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garsoorka, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Dhallinyarada, Haweenka, Bulshada Rayidka, Ururadda Xirfadleyda, Culumaa’udiinka, Qurba-joogta Soomaaliyeed, Dadka Baahiyaha gaarka qaba, Odayaayasha Dhaqanka iyo xubnaha beesha Caalamka waxay ku kulmeen Hotel Royal Palace taariikhda 13ka – 15ka Maajo 2018, Muqdishu – Soomaaliya. Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka wuxuu mahad ballaaran u jeedinayay dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa taageerada beesha caalamka. Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka waxayxaqiijiyeen ka go’naashaha iyo kawada qeyb qaadashada hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka si loo helo Dastuur dhamaystiran oo loo dhanyahay la iskuna waafaqsanyahay.

Madaxweyne Farmaajo Oo Hambalyo u Diray Shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda 15-Ka May

15/05/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 15-ka May. Madaxweynaha ayaa ku dhiirigeliyey Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarinta iyo xasilinta dalkooda.” Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed oo maanta xusaya sannad guuradii 75-aad ee aasaaskii Ururkii gobonnimo doonka ee SYL. Soomaaliya waxa halkan soo gaarsiiyay waa dadaal dhallinyaro, mana jirto maalin uu dalkeenna idinkaga baahi badanyahay, Gacmaha isqabsada.”Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u istaagaan dalkooda oo ay badbaadiyaan mustaqbalkooda iyo midka jiilka soosocda.

Madaxweynaha JFS Oo Hambalyo Ku Aadan Dhalashada Bisha Barakeysan Ee Ramadaan u Diray Shacabka Soomaaliyeed.

16/05/2018- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  hambalyo ku aaddan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan u diray Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay  in la iscafiyo oo la isku naxariisto islamarkaana la is caawiyo. Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay  kuwa wax haysta in ay afuriyaan bishan barakeysan ee Ramadaan kuwa kale ee aan waxba haysan.

Ra’Iisul Wasaare Khayre Ayaa Kormeer Shaqo Uu Ugu Kuurgalayay Amniga Ku Tagay Gudaha Iyo Daafaha Magaalada Muqdisho

17/05/2018-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kahyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga,guddoomiye kuxigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir,saraakiisha Booliska iyo Asluubta ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ah  saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kantarooladda maagaaladda,iyagoo u kuurgalayay xaaladda guud ee amniga caasimadda. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha laamaha ammaanka,iyadoo la soo bandhigay Baco lagu soo xirey Baaruud loo ekeysiyay waxyaabo qarxa,kuwaasi oo dhawaaqyada ay sameeyeen la maqlay Muqdisho,si nabadiidku ay shacabka u qal qalgeliyaan.

Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda Xfs Oo Xarigga Ka Jaray Xarumo Garsoor Oo Laga Hirgeliyay Kismaayo.

17/05/2018- Wafdi uu hoggaaminay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo shalay gaaray Magaaladda Kismaayo ayaa xariga ka jaray xarumaha Maxkamadaha  iyo Xeer ilaalinta Jubbaland oo ka  kooban Maxkamada sare,Tan Gobalka.Racfaanka,Xafiiska Xeer ilaalinta waxaana hergaliyay Mashuurca gaarka ee Horumarinta Gobaladda SFF ee hoos yimaada Wasaaradda Maaliyaadda Dowladda Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo daah-furay olole Maamulka Gobolka Banaadir ku afurinayo 15 kun oo qoys.

17/05/2018-Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daah-furay olole lagu afurinayo 15 kun oo qoys. Maamulka Gobolka Banaadir ayaana Sanadkii labaad afurinaya Bulshada danyarta ah ee ku nool Magaalada Muqdisho. Duqa Caasimadda oo weheliyeen masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa, madaxda Hay’adda Samafal Bulsho iyo qaar kamid ah Culima’udiinka ayaa kormeeray goobaha cuntada lagu diyaarinayo, iyagoo ugu baaqay cid walba oo wax haysato in kaalintooda ay ka qaataan gacan siinta walaalahooda Sooman.

Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Sharciga Duulista Iyo Hawada

17/05/2018- Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka ay yesheen.

 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Dhammaad

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.