Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Shaacisay In Xayiraaddii Saarneyd Laga Qaaday Xoolaha Soomaaliya Ee Loo Dhuufin jiray Dalka Sucuudiga.

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku howlan sidii Dalka loo Horumarin lahaa Gaar ahaan Dhinacyada Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ayaa waxa uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Sh.Nuur Maxamed Xasan in xayiraaddii laga qaaday Dhoofinta Xoolaha Nool ee Soomaaliya,

Boqortooyada Sacuudiga ayaa horay u xayiray xoolaha Soomaaliya looga dhoofin jiray kadib markii ay sheegeen in xoolaha Soomaalida xannuuno qabaan balse tallaabadaan ay ku dhawaaqday Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa la rumeysan yahay in ay wax badan ka tari doonto dhaqaalaha dalka marka loo eego in Xoolaha ay qeyb ka yihiin ilaha dhaqaale ee dalka Soomaaliya ugu Muhiimsan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.