Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caasimadda dalka Turkiga ee Ankara kula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,

Madaxwayne Farmaajo ayaa yiri”Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna.

Leave A Reply

Your email address will not be published.