87 Ka Mid Ah Argagixisada Alshabaab Oo Lagu Dilay Baarsaanguuni

0

Kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa saakay waxay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan xera ciidan oo ku taala Baar Saanguuni  oo ku sugan ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed iyo kuwa Jubaland. Gawaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayay ku qarxiyeen afaafka hore ee laga galo xerada ay deggen yihiin ciidamda xoogga dalka, qaraxaasi ka dib ayaa argagixisada weerar ku qaadeen xeradaasi oo qeyb ka mid ahayd ay haysteen daqiiqado kooban. Ka dib markii uu weearakaasi dhacay ayaa ciidamadii xeradaasi ku sugnaa waxaa xerada dibaddeeda uga yimid gurmad kaasi oo aragagixisadu ay la beegsadeedn qeyb ka mid ah ciidanka gurmad qarax ismiidaamin ahaa oo ay u adeegsadeen gaari kale.

Ciidamada xoogga dalka ayaan u aabayeelan weearkaasi gaadmada ahaa oo ay argagixisadu ku soo qaadeen xerada ciidan ee ku taala Baar Saanguuni, waxaana laga dilay kooxdii argagaxisada ahayd ee Shabaab oo  weerarka soo qaaday 87 naftii halige ah, intii ka soo hartayna la baacsaday firxadkooda oo ilaa iyo haatanna ay ciidamadu  baacsanayaan waxaana lagala wareegay hubkii ay siteen sida laga xaqiijiyey saraakiisha ciidamada ee goobtaasi ku sugan.

Ciidamada xoogga dalka ayaa kaga shahiiday dagaalkan 6 askari, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada ee halkaasi ku sugan.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.