Maleeshiyaadka Al-Shabaab Oo Khasaaro Ba’an loogu gaystay Daynuunay

0

Dagaal qorshaysnaaoo khasaaro ba’an loogu geystay Maleeshiyada ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay. Dagaalkan ayaa ciidamada xoogga dalka ku ekeeyey fariisamo ay ku leeyihiin maliishiyada argagagixsada ah ee Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa  Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidanka Dowladda ay heegan ku jireen taasina ay suurta galisay in si deg deg ah looga hortago dhibaatadii maleeshiyaadkaas la maaganaayeen inay ka geystaan deegaankaasi.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay jiraan Argagixiso ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaalka ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay, laakiin tirada iyo khasaraaha ay dib ka faah-faahin doonaan.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Daynuunay oo ku yaala Bariga magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkaas ay kala firxadeen, ka dib markii laga hortagay weerarkii ay soo maleegeen. Ciidanka xoogga dalka ayaa xilli kasta u taagan difaaca shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dhanka kale Argagixisada Al-Shabaab hadafkooda ugu wayn uu yahay baabi’inta iyo Boobka Dadka Soomaaliyeed.

Leave A Reply

Your email address will not be published.