Ciidamamda Xoogga Dalka oo Kaabiga Ku Haya Degmada Jammaame

0

Ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa howl gallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howl-galladan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxa ay ka dhaceen meel 10 KM u jirta degmada Jamaame iyagoona ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo is garabsanaya ay jiinka webiga ka galeen deegaanka Yiireey oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jamaame.

Tira ka mid ah Malleeshiyaadka Argagixisada Al shabaab ayaa howl-galka lagu khaarajiyay waxaana nolasha lagu hayaa tiro badan.

Sida ay sheegeen Saraakisha Ciidamada Jubbaland 6 Qof oo Saddex ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil Horjoogeyaal sar-sare ayaa laga diley Malleeshiyaadka waxaana nolasha lagu qabtay 3 Kale.

Horjoogeyaasha la qabtay ayaa lagu kala magacaaba Cali Waraabe, Tima Jilic iyo Galley kuwaas oo Malleeshiyaadka u qaabilsanaa Cabsigelinta dadweynaha.

Diyaaradaha Mareykanka oo howlgalka qeyb ka ahaa ayaa duqeeyey saddex gaari oo ay Al-shabaab gurmad ahaan u soo direen, waxaana halkaas ku basbeelay Saanad ciidan iyo raggii la socday.

Weli waxaa ka socda deegaanada hoos yimaada degmada Jammaame gaar ahaan kuwa saaran Jiinka Wabiga howl-gallada lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay kaabiga ku haya degmada Jammaame oo ay doonayaan in ay xaqiijiyaan

Leave A Reply

Your email address will not be published.