Warbixinta Booliiska ee Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho.

0

 

Gaari Primeo- Toyota ah, midabkiisu caddaan yahay ayaa waxaa saacaddu markii ay ahayd 7:10 PM fiidnimo uu ku qarxay meel ay ku yaallaan goobo ganacsi oo u dhaxaysa Isbitaalka Yardimeli iyo Dugsiga Janaraal Kaahiye.

Waxaan xaqiijinnay in ay jiraan dhaawacyo 8 ruux oo 4 kamid ah ay qabaan dhaawacyo fudud iyo bubur ganacsiyo yaryar oo meesha ku yaallay. Ma jiraan ilaa iyo hadda wax dhimasho ah.

Waxaan dhammaan shacabka iyo bahda warbaahinta u sheegeynaa in ay ka fogaadaan goobaha ay qaraxyada ka dhacaan ilaa ay laamaha amniga ay ka xaqiijiyaan in meesha la tagi karo.

Waxaad ogtihiin khatarta ka dhalan karta qaraxyada labaad ee lala beegsado dadka ku soo xooma goobta uu qaraxii hore ka dhacay. Waxaad marqaati ka tihiin in dad badan oo ay suxufiyiin ku jiraan ay inooga dhinteen weerarrada nuucaan ah.

Sidaas darteed anagoo ku dadaaleena badbaadada shacabka, ciidamadu ma ogolaan doonaan in goobaha qaraxyadu ka dhacaan lagu soo yaaco ilaa laga hubiyo inuusan qarax kale oolin goobta.

Annagoo ka jawaabeyna codsiyada ka yimid shacabka Gobolka Banaadir waxaa Ciidanka Booliiska ay maanta hirgaliyeen khad telefoon oo ay si fudud shacabka noogala soo xiriir karaan, idinka oo si toos ah nooga soo wici kara 991 oo 24ka saac diyaar ah.

Waxaan kula talineynaa shacabweynaha in ay masuuliyad iska saaraan ilaalinta gawaaridooda iyo meelaha ay dhigayaan maadaama ay marar badan dhacday in qaraxyo loogu xiray.

Leave A Reply

Your email address will not be published.