Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qayb galay kulan duco lagu maamuusay alle ha u naxariistee fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed, Marxuum Axmed Cali Cigaal, kaas oo ka dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka.
Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen fanaaniin, abwaano, hal-abuurro, iyo mas'uuliyiin ayaa lagu xusay kaalintii mugga lahayd ee uu marxuumku ka soo qaatay horumarinta fanka, iyo suugaanta
Ugu horreyn, Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf, maareeyihii hore ee Tiyaatarka oo ay soo wadashaqeeyeen ayaa ka sheekeeyay taariikhda fanka ee Marxuum Axmed Cali Cigaal iyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka soo qaatay fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, oo hadal ka jeediyay kulanka, ayaa Eebbe uga baryay Marxuum Axmed Cali Cigaal inuu hoygiisa ka dhigo jannatul-fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelladiisa, bahda fanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Marxuum Axmed Cali Cigaal uu ka mid ahaa haldoorkii fanka Soomaaliyeed ee raadadka muuqda ku reebay fanka, suugaanta iyo hiddaha dalka, isaga oo door weyn ka qaatay kobcinta iyo ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed.
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.






