Muqdisho, 10 Sebtembar 2026 – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeyb galay dood-wadaag heer sare ah oo ku saabsan “Waaga Cusub oo Xiriirka Türkiye iyo Soomaaliya, Kalsooni, Iskaashi iyo Iskaashi Istiraatiiji ah kaas oo ay soo qabanqaabisay Agaasinka Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Türkiye.
 
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, waxaa ka qeyb galay wasiirro, masuuliyiin, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socday Soomaaliya iyo Türkiye.
Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa doodda kaga hadlay xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Türkiye, iskaashiga labada dal iyo kaalinta muhiimka ah ee Türkiye ay ka qaadatay taageerada Soomaaliya.
 
Wuxuu sidoo kale dul istaagay khatarta xadgudubyada ka dhanka ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo muhiimadda taageerada Türkiye ee ilaalinta qaranimada Soomaaliya.
 
Wasiirka ayaa doodda ku soo bandhigay khatarta ay marin-habaabinta, wararka been-abuurka ah iyo ololayaasha lagu khaldayo aragtida dadweynaha ku yeelan karaan xiriirka labada dal, isagoo adkeeyay muhiimadda Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta iyo iskaashiga hay’adaha warfaafinta ee Soomaaliya iyo Türkiye si loo xoojiyo xogta saxda ah, kalsoonida bulshada iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.