Golaha Shacabka oo Ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka.

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod wada ogol ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2019.

174 Xildhibaan ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019.
Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2019-ka ayaa cadadeedu dhantahay 344,192,685$ taas oo uu ka muuqdo koror dhan $47.1 Milyan marka loo eego miisaaniyadda sanadkii hore.

Hase ahaatee waxaa kale oo muuqda in miisaaniyadda sanadkan ay si weyn ugu koobantahay kharashaadka Adeega Maamulka iyo Difaaca taas oo loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah qadar dhan $245,971,212 una dhiganta 71.5% Arrimaha bulshadda oo loo qoondeeyay $23,113,231 una dhiganta 6.7% halka haraaga oo dhan $50,899,036 oo u dhiganta 14.8% qoondada miisaaniyadda 2019-ka loogu talo galay mashaariicda horumarineed ee Dalka.

Guddoomiyaha guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda ,Qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji iyo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoominayay Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta dhowr hindise sharciyeed ansixiyay.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.