War-Saxaafadeed Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Deegaanka oo guulo ka gaaray howlgallo ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab ee ka dhacay Shabeellaha Dhexe

War-Saxaafadeed

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Deegaanka oo guulo ka gaaray howlgallo ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab ee ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Muqdisho, 24 April 2025: In ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Wargaadhi iyo Labi Gooleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa yimid kadib markii Khawaarijta ay isku dayeen weerar naf la caari ah oo ay ku qaadeen deegaanka Wargaadhi.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha deegaanka oo heegan buuxa ku jiray ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas, waxaana halkaasi lagu gaarsiiyay cadowga khasaare xooggan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

Dhinaca kale, Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Labi Gooleey, oo qiyaastii 13 km u jirta Wargaadhi dhanka Waqooyi Galbeed. Khawaarijta ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

Xaaladda deegaanka Wargaadhi hadda waa deggan tahay, waxaana weli socda xaqiijinta iyo tiro-koobka khasaaraha lagu gaarsiiyay cadowga Ummadda Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay u mahadcelinaysaa ciidamada geesiyaasha ah ee sida naf-hurnimada leh ugu taagan difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Wax kasta oo dheeraad ah oo ku saabsan howlgalkaan guuleystay, dowladda waxay si buuxda ula wadaagi doontaa shacabka Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-

Previous Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah ayaa sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Leave Your Comment