Wasaaradda Warfaafinta oo soo xirtay tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta Doorashooyinka

Wasaaradda Warfaafinta oo soo xirtay tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta Doorashooyinka
Muqdisho 26, April, 2025: Aqoon isweydaarsigani oo ay ka faa’iidaysteen ilaa 25 suxufiyiin ah oo ka socday Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo Warbaahinta Qaranka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kaalinta Warbaahinta ee baahinta Wararka iyo Barnaamijyada la xiriira doorashooyinka dalka.
Tababarka oo socday muddo laba maalmood ah waxaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa ay qabashadiisa la kaashatay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS) si kor loogu qaado kaalinta Warbaahinta ee Doorashooyinka.
Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Marwo Fartuun Axmed Xasan ayaa ku dhiiragalisay suxufiyiinta ka faa’iidaystay tababarka sare u qaadista daah furnaanta doorashada iyo jiheynta dadweynaha.
Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo soo xiray tababarka ayaa ka qeyb galayaasha ku adkeeyay xoojinta Mas’uuliyadda iyo mabaadi’ida Warbaahinta ee dhismaha kalsoonida dadweynaha iyo isku dheelitirka wararka iyo macluumaadka la xiriira doorashooyinka.
Suxufiyiinta ka faa’iidaystay tababarka ayaa gabagabadiisa waxaa la guddoonsiiayy shahaadoyinka iyaga oo ugu mahad celiyay Wasaaradda Warfaafinta hirgalinta aqoon isweydaarsigani oo muhiim u ah helidda Warbaahin iyo suxufiyiin u diyaarsan tabinta Doorashooyinka si ay ku jirto mas’uuliyad.
Previous Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan tabinta Doorashooyinka u furay suxufiyiin ka socda qeybaha Warbaahinta

Leave Your Comment