Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka mid noqday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee iska diiwaangelinaya degmooyinka ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka mid noqday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee iska diiwaangelinaya degmooyinka ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cumar Cali Cabdi ayaa kadib marka ay is diiwaangeliyeen, warbaahinta la hadlay iyagoo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida ay ahmiyad weyn u siinayaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Wasiirada ayaa shacabka ugu baaqay in aysan dayicin xuquuqdooda dastuuriga ah, oo ay ka faa’iideystaan fursaddaan si ay uga qeyb qaataan go’aaminta ciddii matali lahayd mustaqbalkooda siyaasadeed ee dalka.
Previous Wasiir Al-cadaala Waxaan markii ugu horeysay isku diiwaangeliyay si aan u helo xuquuqdeyda muwaadinnimo, maalin aan fogeyn ayaan ka codeyn doonaa degmadeyda.

Leave Your Comment