Muqdisho, Maajo 06, 2025; MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARANKA
Muqdisho, Maajo 06, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Shirkan oo qeyb ka ah gogoshii Qaran ee uu fidiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 1-aad Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, Hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedyada; Koonfur-galbeed Mudane Cabdacasiis Xasan Maxamed, Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-cali, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Shirkan oo ah mid heer qaran ah, ayaa waxaa looga arrinsanaya xaaladda dalka, howlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, dhammaystirka dastuurka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed, dib u dhiska ciidamada iyo horumarinta dowladnimada.
Previous Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Leave Your Comment