Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Wasiirkii hore, Mudane Axmed Macallin Fiqi, munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho.
