War-Saxaafadeed
Khawaarijta oo lagu jabiyay dagaal ka dhacay xuduudka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Muqdisho, 18, May, 2025: Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha difaaca deegaanka ee Hiiraan ayaa ku jabiyay maleeshiyaadka Khawaarijta ah, weeraro ay kusoo qaadeen deegaano dhaca xadka labada gobal.
Geesiyaasha degaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hawlgallo socday ku dhawaad 48 saacadood ku dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta , iyagoo sidoo kale cadowga ka furtey hub aad u badan.
Geesiyaasha Qaranka waxay Khawaarijta ku jabiyeen isku dayadii ay ku doonayeen in ay isku ballaariyaan, waxaana ay hadda ku baacsanayaan deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe .
Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo halgamayaasha reer Hiiraan ee cagta mariyey damaca Khawaarijta, isla markaana muujiyay geesinimo iyo adkaysi.
Dawladda oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Khawaarijta.
-DHAMMAAD-