Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka ee Damaayo ka dhacay qarax uu fuliyay qof nafti halige ah,, Ciidanku waxa ay ka hortageen in dhagar qabuhu gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaa
Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka ee Damaayo ka dhacay qarax uu fuliyay qof nafti halige ah,, Ciidanku waxa ay ka hortageen in dhagar qabuhu gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaaro xooggan gaarsiiyo shacabka.
Hay’adaha Amniga waxa ay ku howlan yihiin xaqiijinta Khasaaraha, waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay warbixinta rasmiga ah ka sugaan Hay’adaha Dowladda ee gacanta ku haya.
Faahfaahinta oo dhameystiran waxaan soo gudbin doonnaa goor dhow insha allah.
Dhamaad
Category:
News Updates
MoICT Somalia — Official Communications
Official release from the Ministry of Information, Culture & Tourism. Media enquiries: [email protected]