Beijing, 6 Nofeembar 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Beijing kaga qaybgalay munaasabadda soo dhoweynta madaxda iyo wufuudda ka qaybgalaysa Shirweynaha Warbaahinta Adduunka.
Intii ay munaasabaddu socotay, Wasiirka ayaa kulama is arag kooban la yeeshay Madaxweynaha Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua, Mudane Fu Hua, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS, Mudane Andrey Kondrashov iyo Agaasimaha Guud ee Midowga Wakaaladaha Wararka dalalka Islaamka Mudane Mohammed Alyami.
Shirweynaha oo berri si rasmi ah u furmaya ayaa diiradda lagu saari doonaa isbeddellada tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan garaadka macmalka ah (AI), iyo fursadaha iyo caqabadaha ay u keenayaan warbaahinta.
Wasiirka ayaa shirweynaha ka jeedin doona khudbad ku saabsan xaaladda warbaahinta adduunka, fursadaha iyo caqabadaha horyaalla, isaga oo sidoo kale soo bandhigi doona marxaladda ay marayso warbaahinta Soomaaliya iyo dadaallada lagu horumarinayo.
Wasiirka waxaa Madashaan ku wehliya Agaasimayaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda.





