Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmay Taliyaha AFRICOM iyo Danjiraha Mareykanka si Looga Wada Hadlo Xoojinta Iskaashiga Amniga iyo La-dagaallanka Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay Jeneraal Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), iyo Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley. ayagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xoojinta isku-duwidda howlgallada la xiriira iskaashiga ballaaran oo ay qeybta ka yihiin AUSSOM.
Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda taageerada joogtada ah ee dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.
Previous Muqdisho, Maajo 06, 2025; MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARANKA

Leave Your Comment