Jagada: Agaasimaha Waaxda Maamulka Shaqaalaha
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda wuxuu ku wargelinayaa dhammaan shaqaalaha Dowladda ee buuxiya shuruudaha iyo aqoonta looga baahan yahay jagada Agaasimaha Waaxda Maamulka Shaqaalaha in jagadani u furan tahay Shaqo-qaadasho Gudaha ah (Internal Merit-Based Recruitment).
Shaqaalaha Dowladda ee buuxiya shuruudaha jagada waxaa lagu wargelinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan Nidaamka Elektaroonigga ah ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, iyagoo adeegsanaya akoonkooda (User Account) ay ku leeyihiin nidaamka.
Gabdhaha ka tirsan shaqaalaha Dowladda waxaa si gaar ah loogu dhiirrigelinayaa in ay soo codsadaan jagadan.
Si aad u hesho faahfaahinta jagada, shuruudaha iyo habka codsashada, fadlan raac linkigan:
Waqtiga Kama Dambaysta ah 04 Oktoobar 2026 — 11:59 PM
