Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Mukhtaar Maxamed Xasan oo muddo ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta.
 
Wasiir Cabdulfitaax Qaasim ayaa Alle SWT uga baryay Marxuum Mukhtaar Maxamed Xasan inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaana ka siiyo qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii, si gaar ah wiilashiisa ka tirsan Wasaaradda, Cabdisalaan Mukhtaar Maxamed iyo Axmed Mukhtaar Maxamed.
 
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.