Muqdisho, 22 Sebtembar 2026 – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta la kulmay Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
 
Kulanka ayaa looga hadlay qorshe-hawleedka Wasaaradda, sharciyada iyo xeerarka ay diyaarinayso, qorshayaasha casriyeynta iyo ballaarinta Warbaahinta Qaranka iyo howlaha kale ee mudnaanta u leh Wasaaradda.
 
Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Mowliid Cabdi Maxamuud Axmed, oo ay wehliyaan Guddoomiye-ku-xigeenka, Xoghayaha iyo xubnaha Guddiga, ayaa bogaadiyey shaqada ay Wasaaraddu waddo, isagoo adkeeyey muhiimadda wada-shaqeynta Wasaaradda iyo Guddiga.
Wasiir Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa dhankiisa Guddiga siiyey warbixin dhammaystiran oo ku saabsan howlaha Wasaaradda iyo qorshayaasheeda, isagoo uga mahadceliyey wada-shaqeynta wanaagsan ee ka dhexeysa Wasaaradda iyo Golaha Shacabka.
 
Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale; Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Naasir Xasan Xuseen; Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar; Agaasimaha Istiraatiijiyadda, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed; iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Wasiirka, Mudane Yuusuf Cali Maxamed.