Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 5th June, 2026

 

  1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneel Isaaq Berdaale, iyo Taliyaha Nabad-sugidda ee Koonfur Galbeed Macalin Saalax Cabdinuur Cali.

 

  1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay munaasabadda dhaarinta xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada KGS, taas oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

 

  1. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka.

 

  1. Ra”iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay Xuska Maalinta Qaranimada Dalka Talyaaniga , taas oo lagu qabtay Muqdisho.

 

  1. Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xuukumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya iyo hoggaanka Hay’adda UNDP.

 

  1. Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo.

 

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan rasmi ah oo ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika la yeesheen Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae-myung, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Cheong Wa Dae.

 

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Qorsheynta Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Boqortooyada Eswatini Mudane Dr.Thambo Gina, intii uu socday Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kuuriya iyo Afrika ee ka dhacaya magaalada Seoul.

 

  1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee galabta ka dhacday degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo wejiyada soo duubtay, Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre.

 

  1. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa daawaday ciyaar xiiso leh oo ka tirsan Horyaalka Soomaaliya, taas oo dhex martay kooxaha Heegan iyo MCC, kana dhacday Garoonka Stadium Muqdisho.

 

  1. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa xarigga ka jaray xarun lagu daaweyo isku furanka haweenka oo laga hirgeliyay Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

 

  1. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway, ayaa guddoomiyay kulanka billaha ah oo lagu falanqeeyo xaaladaha bani’aadannimada dalka.

 

  1. Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday EUCAP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxa Howlgalka EUCAP Soomaaliya, Kestutis Lancinskas.

 

  1. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in dhowaan deegaanada Koofur Galbeed ciidanku ka bilaabi doono howlgallo ka dhan ah Khawaarijta.

 

  1. Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Francesca Di Mauro oo wareysi siisay Warbaahinta Qaranka ayaa shaacisay in bisha October 2026 la qaban doono shirweyne maalgashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

 

  1. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Akademiyad Goboleedka Af Soomaaliga ayaa maanta Muqdisho ka daahfurtay Ereybixinta Amniga Saybarka ee Af-Soomaaliga.

 

  1. Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS oo Muqdisho ka furay tababar loo qabtay qaar ka mid ah howlwadeennada hay’adaha dowladda ee ka shaqayn doona diyaarinta qorshaha lagu iib-geynayo shidaalka.

 

  1. Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana ay taageerayso Hay’adda Caalamiga ah ee Biyaha (GWPSA), ayaa si guul leh magaalada Muqdisho ugu qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha Magaalooyinka.

 

  1. Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo tababar u furay ciidan gaar ah oo ka jawaabi doona xaaladaha degdegga ah ee xabsiyada.

 

  1. Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed waxay ogeysiinaysaa dhammaan Xog-dhowrayaasha (Data Controllers) iyo Xog-adeegsadayaasha (Data Processors) ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in la bilaabay

diiwaangelinta hay’adaha iyo shirkadaha adeegsada xogta

shakhsiga ah, si loo xaqiijiyo ilaalinta xogta muwaadiniinta iyo u hoggaansanaanta sharciga dalka.

 

 

==========DHAMMAAD============

 

 

Previous Federal Government of Somalia’s weekly Briefing Mogadishu, Friday, 5th June 2026

Leave Your Comment