Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 16-ka May 2025

  1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15ka May, kuna beegan 82 guuradii aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.
  2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay  dhismaha cusub ee ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley salaadda Janaazadda ee Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo ka tirsanaa odayaasha dhaqanka ee dalka.
  4. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.
  5. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ku-Simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Kareem Adebayo, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo doorka Midowga Afrika uga aaddan amniga iyo xasillinta dalka.
  6. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025) ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Midowga Yurub uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada, iyo dib-u-dhiska.
  7. Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa  ansixiyey heshiis is afgarad oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga,kaas oo khuseeya dhanka milatariga iyo amniga
  8. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Jibriil Xaaji Cabdirashiid ayaa kormeer ku tagey qaar ka mid ah goobo ay saameyn ku yeesheen roobab  mahiigaan ah oo  ka da’ay Muqdisho.
  9. Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux iyo   Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed  Aaxmed Macalin Xasan ayaa magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya uga qeyb-galay shir uu soo agaasimay Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Hawada ee loo yaqaano International Air Transport Association (IATA)
  10. Hay’adda Dhowrista Xogta dadwaynaha Soomaaliya (DPA) iyo Guddiga Ilaalinta Xogta Nigeria (NDPC) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan arrimaha ilaalinta xogta iyo asturnaanta dijitaalka ah.
  11. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa kulan kula   qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya Alper Aktaş, si loo xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.
  12. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa ka qeyb galay xaflada furitaanka bandhiga caalamiga ee Beeraha Caspian Agro 2025 ,oo ka qabsoomay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.
  13. Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka  Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Turkiye , Danjire Alper Aktaş ,iyagoo ka wada hadlay la dagaalanka argagaxisadda iyo danaha labada dal ka dhaxeeya.
  14. Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan ayaa gargaar isugu jira raashin, dhar iyo hoy gaarsiisay 564 qoys oo ku dhaqan degmada Dayniile, kuwaas oo ay dhibaato ka soo gaartay daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ee ka da’ay gobolka Banaadir.
  15. Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah  ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire Stephen Mbundi.
  16. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku dalka Azerbaijan ku saxiixay heshiis is afgarad (MoU) wada shaqeyn ah, isagoo la saxiixday Wasiirka Beeraha ee Azerbaijan, Mudane Majnun Mammadov.
  17. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaan tartan furan oo loogu talagalay xulashada saraakiil ku biiraya barnaamij waxbarasho oo Layli Sarkaalnimo ah oo dalka dibaddiisa lagu soo tababarayo.
  18. Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa guddoomiyay shir looga hadlaayay ka hortagga khataraha ka dhasha  si xun u isticmaalka baraha bulshada  ee faafinta been abuurka ,marin habaabinta, hadallada naceybka iyo  muqaaladda ay argagaxisadda baraha ku faafiyaan,
  19. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (Network of African Data Protection Authorities – NAPDA) ,kaddib, kulankii 8-aad ee Ururka oo lagu qabtay magaalada Abuja dalka Nigeria.
  20. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley.
  21. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer howleed ku tagay goobo dhowr ah oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.
  22. Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.
  23. Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyey xaaladda horumarineed, nabadeed iyo dawlad-dhis ee Dawlad Goboleeedka SSC-Khaatumo.
  24. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali ayaa furay kulanka dowladda iyo bulshadda rayidka, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay   wadashaqaynta iyo   iskaashiga bulshada rayidka iyo dowladda.
  25. Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
  26. Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Xasan Abshirow Maxamed ayaa daahfuray wajiga 2-aad ee tababarka guddi hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee ku saabsan Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda.
  27. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya Lionel Laurens.
  28. Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Danjire. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa qaabishay Safiirka Yemen ee Soomaaliya, Mudane Fadel Cali Axmed Al-Xanak.

 

=====DHAMMAAD======

]]

 

 

 

 

 

Previous Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 16th May, 2025

Leave Your Comment