Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuudm,ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ra’iisul Wasaare hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira latashiyada Qaran ee uu la qaadanayo waxgaradka, masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ra’iisul Wasaare hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad dhiska Soomaaliya, waxayna isla qaateen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya shacabka Soomaaliyeed.

Previous Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 18-ka April, 2025

Leave Your Comment