Kazan, 16 May 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis, ayaa ka qayb galay Shirkii Wasiirrada Dhaqanka ee Dunida Islaamka iyo Ruushka ee ka dhacay magaalada Kazan, ee Jamhuuriyadda Tatarstan ee Ruushka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in la dhiirrigeliyo wadahadalka, iskaashiga, iyo horumar waara oo loo marayo is-dhexgalka iyo diblomaasiyadda dhaqanka.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa Madasha Kazan Forum 2025 oo ay ku kulmayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka OIC iyo Ruushka, kaas oo diiradda lagu saarayo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac ka dhexeeya, gaar ahaan horumarinta ganacsiga, iskaashiga dhinacyada sayniska, tiknoloojiyadda, arrimaha bulshada , dhaqanka iyo kuwo kale oo ay labada dhinac wadaagi karaan.
Khudbad uu shirka ka jeediyay Wasiir Daud Aweis ayaa sheegay in mar walba ay kordheyso baahida loo qabo isku xirka dunida iyo iskaashiga caalamiga, iska markaana dhaqanku uu yahay buundo muhiim ah—oo isku xiraya dadka, dhiirrigelinayana fahamka guud, gacanna ka geysta nabadda caalamka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Soomaaliya, oo ah xubin muhiim ka ah Ururka Waddamada Islaamka ee OIC , ay la leedahay dalalka kale ee Islaamka xiriir qoto dheer oo dhinaca dhaqanka ah.
Gabagabadii, Wasiirku waxa uu u hambalyeeyay magaalada Kazan oo loo magacaabey inay noqoto Caasimadda Dhaqanka ee Dunida Islaamka sanadka 2026-ka.